in Ciidamada Cusub ee lagu soo biirinayo ciidamada AMISOM ee iminka jooga magaalada muqdisho ay wax ka tari doonaan Nabada islamarkaana wax weyn laga filanayo inay ka bedelaan xaalada nabadgelyo ee magaalada muqdisho .
Prof,Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada muqdisho inay ka dhabeeyaan nabad raadinta ay dowlada soomaaliyeed u guntatay islamrkaana ay soo dhoweeyaan nabad ilaalinta ay wadaan ciidamada AIMISOM waa siduu hadalka u dhigaye
Sidoo kale wasiirka arimaha bulshada ee dowlada FKMG ah ee soomaaliya prof.maxamed cumar dalxa ayaa mar aanu weydiiney in dadka qaarkiis u arkaan ciidamada AMISOM kuwa jooga iyo kuwa lasoo wadoba inay usoo kordhinayaan dhibaato ayuu tilmaamay in qof kastaaba qaabkuu dantiisu tahay ay ula fasirmaso islamarkaana loo baahan yahay inay dadku arkaan inay ciidamadaasu u arkaan inay dowlada kala qayb qaadnayaan nabada
Iskusoo wada duuboo hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili la filayo inay dhowaan soo gaaraan Magaalada muqdisho ciidamo ka socda wadamada afrika oo lagu soo biiriyo kuwii hore u joogay Ee AMISOM kuwaasoo tiro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa afar kun oo askari halka ay hore ugu Sugnaayeen magaalada muqdisho ilaa lix kun oo askari
No comments:
Post a Comment