Home/Xogsugan/Somalia Photos/

Saturday, July 24, 2010

Maxaad ka Taqaanaa Guinea?


Wadamada Soomaalia u balan qaaday in ay Ciidamo geyn doonaan waxaa ka mid ah Guinea


Guinea waa dalka ugu faqrisan Afrika wuxuuna qaarad kaga  yaalaa galbeedka ama  dhanka qoraxdhaca


Waxey deris la tahay dalalka kala ah Liberia,Sierra Leone iyo Ivory Coast.

Waxaa gumeysan jiray france oo mudo badan joogay dalkaas

Waxey diib xurnimadooda uga qaateey gumestihii faransiiska sannad ku markuu ahaa 1958

Isla xiligan waxaa talada wadankaas qabtay oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Guinea ninka lagu magacaabi jiray Ahmed sekou Toure,wuxuu talada dalkaas hayay mudo 26 sano ah

 1977 ilaa 1984 waxaa dalkaas ka dhacay dagaal sokeeye oo ay dad badani ku barakeceen mudadii uu socday dagaalkan waxaa xilkii lagala wareegay Ahmed Sekou Toure

Sanadku markuu soo gaaray 2000 waxaa dib ugu soo laabtay Guinea nus milyan dad ah oo xaqooti ku ahaa dalalka kala ah Sierra Leone Liberia kuwaasoo ka barakacay dagaaladii sokeeye

Guinea waxaa lagu magacaabaa The Republic of Guinea dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa 10 million Caasimada dalkaas waxaa lagu magacaabaa Conakry

Masaaxada dhararkeedda ama balaca dhullkaas waa 245,857 sq km
sidoo kale waxaa dalkaas looga hadlaa ilaa afar luuqadood oo kal ah Faransiiska,Susu,Fulani,Mandigo

Dadka ree guinea waxey heystaa ilaa sedax Diimood oo kala ah Islam,Christianity,indigenous Beliefs

Cimriga dadkaas ayaa gaaraya ragga ayaa gaara 56 sano halka ay haweenka ka gaaraan 60 sano

Waxyaabaha ay dadkaas ka shaqeystaan oo ay ka ganacsadaan waxaa ka mid ah kaluunka oo dalkaas hodan ku ah dahabka macdanta buuraha laga qodo sidoo kale waxaa laga helaa dalkaas macaadin laga sameeyo Alumiiniyoomka.lacagtoodu waa faran
Dalka Guinea ayaa marka aad rabto in aad qofjooga dibada kasoo wacdo ayaa furahiisu wuxuu yahay +224

Madaxweynihii labaad ee Moussa Dadis Camara ayaa dil qorsheeysan lagu dilay sanadku markuu ahaa December 2009

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa waxa ay ka hanaqaaday  sanadku markuu ahaa 2006 waxaa xiligan ka howlgala jaraa'id isbuucle ah oo lagu magacaabo La Nouvelle Tribune,LeDiplomate iyo jaraa'iyo kale sidoo kale waxaa ka howlgala Idaacado maxali ah waxaa ugu caansan Liberte FM,familia FM,

Waxa aan sugnaa waa waxa uu dalka Guinea ciidamada laga soo wado waxa ay kusoo kordhi doono dalkan uu dagaalku la degay ee soomaaliya

1 comment:

  1. Guinea way diiday inay ciidama soo dirto waxayna sheegtay inaysan suuragal u ahayn inay SOmalia ciidama gayso.

    "Madaxwaynaha dalkaas ayaa ah Dictator wadanka xoog ku heesta baahi badanina way ka jirtaa macquulna maahan inuu ciidan u diro Somalia" Sidaa waxaa yiri Khubaro Siyaasadeed

    Warka sheegaya in Guinea ay ciidan soo dirayso waxaa sameestay warbaahinta oo kaliya laakiin dalkaasi wuuu beeniyay wuuna diiday.

    ReplyDelete