Home/Xogsugan/Somalia Photos/

Sunday, August 01, 2010

SOOMAALIYA: SANADKA 3095

Qisadan oo ah mid aad la yaabi doontaan ayaan ugu talagalnay in iyadoo maaweelo ah hadana in aan dhanka kalena ku baraarujiyo akhristaha in aanu ku niyad jebin xaaladda ka jirta Somaaliya ee xilliga fowdada iyo dhibaatada oo aan u bixinay sebenkii “Sanadihii Sagaashameeyadii ; Soomaaliya iyo xilligii dad-qalatada”
 Ma aha riyo  ee  waa wax aan ku taamayo oo adiga iyo anigaba ay suurtogal tahay in aan niyadda ku heyno ..waayo waxa aan dooneyno ayaa ah Isbedel ( Change ) in uu yimaado ,, dadkuna gartaan taa in loo baahan yahay.
Isbarbardhig xaaladda aan ku jirno iyo waxa sheekadani cabbireyso… halka niyaddu jeclaaneysana ila  raac oo aan ka wada fekerno in aan gaari karno.
Anigu xag jir in aan ku noqdo oo aan soo bandhigo isbedel aad u arki karto mid ka badbadin ah waxa igu kallifay dhibaatada lafteeda xad dhaaftay ee xag jirka  noqotay , taas oo maskaxda markii ay qaadi weysay ay u fekertay dhibaatada lidkeeda oo ah horumar iyo baraare ka badbadin ah.
 Ma  doonayo in aan ku hago …kuguma dirqinayo in aad sideyda u fekerto ..   fekerkaaga waa mid kuu gaar ah .. ee aan kuu bandhigo akhriska sheekada oo ku bilaabaneysa sedan:
Qeybtii Labaad ee sheekadii SOOMAALIYA: SANADKA 3095

Hibo iyo seygeeda Axmed ayaa xilli galabnimo ah jawiga oo nabdoon waxay ku kaliyeysan yihiin gurigooda .. waa dad da’ah oo ku jira xilli ay gaareen ayeeyo iyo awoowenimo , ubadkoodii waxay dhaleen ayaana wax sii dhalay.

Waa xilli nabad loo baxay inkastoo cimrigooda wax badan ay colaad –joog ku soo qaateen… dhib yar ma soo marin laakiin waa ka nool yihiin..wax badan waa sigteen waase ka bed qabaan maanta oo waa nool yihiin .

Waa xilli ku aaddan in ka badan afartan sano markii ay ka soo wareegtay colaaddii Soomaalida ee soo jiitameysay in ka badan labaatanka sano….waa siddeetan jirro xilligii hore ee nolol wadagooda ku qaatay dhib iyo rafaad kuna ilmo dhalay xaalad aad u adag oo noloshu ciriiri aheyd.

Gurigooda wuxuu ku yaallaa cirifka Muqdisho meel aan ka fogeyn wershad soo saarta qalabka kumbiyuutarada oo ay ka sii shisheyso mid kale oo soo saarta baabuurta yar yar nooc ka mid ah oo ku shaqeeya saliidda qumbaha .

Guri saddex dabaq ah oo si casri ah u dhisan oo ay ka adeegaaan shan qof , aad u deggan oo leh beer yar oo nasashada ku wanaagsan iyo berkad lagu dabaasho ayey kaga nasanayaan dhibkii hore , fekerka dunida iyo da’da ka daba timidna isaga maaweelinayaan.

Hoygoodu wuxuu ka mid yahay guryaha loogu talagalay dadka howlgabka ah si loogu nasiyo inta badaanna dadka iyo noloshoodana waxaa dammaandqaada hadba xukuumadda jirta.

Labada lammaane waxaa xilliyadan oo kale ay u tahay xilli ay aad uga sheekeystaan waayahoodii iyo waayihii xilligii ay soo mareen waxyan ku dheeraadaan xusuuso hore

Galabnimadaa waxay sheekada ka bilaabeen waxyaabo hore oo ay goobjoog u ahaayeen
Intii ay hasaawaha wadeen ayey si lama filaan u maqleen dad dibadbaxaya oo qeylinaya waddo aan gurigooda sidaas uga fogeyn kolkaa ayey labadoodiiba albaabka xaggiisa soo aadeen si ay wax uga ogaadaan.

Dadka socday midkood ayaa ku yiri “Waxan ka bannaanbaxeynaa nin naakhuude ka ah markab weyn oo kuwa dalxiiska ah oo dekedda weyn ku soo xirtay oo kamid ahaa naakhuudeyaasha Soomaalida kuwa ugu wanaagsanaa oo maanta ku kacay fal laga wada naxay markii isagoo maqaayad weyn oo dekedda ku taalla isagoo dad dalxiiseyaal ah kala qadeynaya uu rasaas ka riday bastootal uu sitay markii uu ka carooday adeege qadada kala soo daahay”.

Dadkaa ayaa sheegay in naakhuduhu u dhaqmay si xun oo la mid ah dhaqankii Soomaalida ee ka soo bilowday sagaashameeyadii waxayna ku dhawaaqayeen in ninkaa leh dhaqankii Soomaalida ee xilli ay ku tilmaameen xilligii dad qalatada in wax laga qabto.

Arrintii ayaa isla markiiba ku baahday meel walba , dhowr wargeys oo maqribadii iyo habeenadii soo kala baxana aad bey uga faalloodeen iyagoo ku tilmaamay naakhuudaha nabad-dhabqiye.

Wargeys afdheer oo DAAL lagu magacaabo oo inta badan u xagliya dadka dagaal-diidka ah xisbiga ay leeyihiin ee la yiraahdo NABAD & CAANO ayaa habeenkaa cinwaankiisa hore ka dhigay NAAKHUUDAHA HA LA BAARO IN UU KA SOO JEEDO TAFIIR DAGAAL-OOGE.

No comments:

Post a Comment