Home/Xogsugan/Somalia Photos/

Sunday, August 08, 2010

kampala oo uu ka Furmay Shirkii AU

Qaar ka mid ah ciidamada uganda ee jooga
xamar oo la taagan nin police ah
Shirkan ka furmay kampala ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah  madaxda halkaa ku kulansan ayaa sheegay in shirkani laga dahlaayo sidii ciidamada midowga africa ee haatan jooga dalka Soomaaliya loogu bedeli lahaa kuwo nabad dhaliyayaal ah  halka markii hore ay ka ahaayeen kuwo nabad sugayaal ah.

Shirkan ayaan la ogeeyn xalka uu u keeni karo umada soomaaliyeed oo mudo ka badan labaatan sano kusoo jirtay colaad iyo hardan oo aan la heyn mirihii kasoo baxay.

Dadka ku dhaqan guud ahaan gayiga Soomaaliya ayaa waxa ay walaac ka muujinayaa in xiligan dalka la keeno ciidamo hor leh iyagoo sidoo kale sheegay in laga yaabo in ay dagaalada jira sii kordhiyaan dhibaatadana ay sii badato.

No comments:

Post a Comment