Home/Xogsugan/Somalia Photos/

Wednesday, February 16, 2011

Madaxweyne Shariif oo Tacsi u Diray Dadkii Ku Geeriyooday Mudaaharaadkii Shalay

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliyeed Shariif  Shiiq Axmed oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay saxaafada ayaa sheegay in ay aheyd dhacdadii shalayto lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan kuwaas oo  dibadbax  ka dhigayay fagaaraha SYL ee magaalada muqdisho

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii halkaa ku geeriyooday wuxuuna balan qaaday in ay dowlada daaweyn doonto dadkii halkaas ku dhaawacmay

Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaalada la hor keeni doona shaqsiyaadiikii xasuuqaas ka dambeeyay wuxuu intaa ku daray in lagu raad joogo dadkii falkaas geystay

ma ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamo ka tirsan Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne shariif ay wax yeelo u geystaan dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay ka taliso Dowlada KMG

No comments:

Post a Comment