Home/Xogsugan/Somalia Photos/

Sunday, October 31, 2010

Ra’iisul wasaarihii afaraad ee mudadii dagaalada Soomaaliya oo la ansaxiyay

Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayay xildhibaannada baarlamaanka maanta ku ansixiyeen cod gacan-taag, iyadoo inta badan mudanayaashii kulankii maanta ka qaybgalay ay codka siiyeen ra’iisul wasaaraha.

Xildhibaannadii kulankaas ka qaybgalay oo tiradoodu gaaraysay 391, waxaa shir-gudoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo guddoomiyaha uu sheegay in lagu codeynayo qaab gacan-taag ah, ay sahlayso tirinta codadka.

“Mudanayaasha kulanka soo xaadiray waxay ahaayeen 391-xildhibaan, waxaana codka siiyay ra’iisul wasaaraha cusub 297-xildhibaan, waxaa diiday 92-mudane, iyadoo ay ka aamuseen 2- xildhibaan, sidaa daraadeedna waa ansax,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ugu dambeyn kulanka soo xiray.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mr.Farmaajo, ayaan kulanka lagu ansixiyay ka qaybgelin, iyadoo ra’iisul wasaaraha cusub laga sugayo inuu soo dhiso xukuumad, inkastoo inat badan waqtigiisa uu ku dhamaaday muran ku saabsan qaabka kalsoonida lagu siinayo.

 xildhibaannadii ku doodayay in qarsoodi laga dhigo codka loo qaadayo ra’iisul wasaaraha, oo kulanka ka hadleen inta aanan codka la qaadin, ayaa sheegay in markii ay arkeen khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka ay go’aan ku gaareen nay ka laabtaan go’aankoodii hore, ayna aqbaleen in codka gacan-taag laga dhigo.

Ansixinta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa meesha ka saaraysa khilaafkii u dhexeeyay labada mas’uul ee dalka ugu sarreysa, inkastoo aan la ogeyn wixii ay ku heshiiyeen, iyadoo howsha ra’iisul wasaaraha cusub ay maanta billaabanayso.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaanan la oogeyn wuxuu ka bedeli doono xalinta mushkilada labaatan jirsatay ee ka taagan dalka soomaaliya iyo in uu wada xaajood la yeelan doono xoogagga ka soo horjeeda dowladan uu ku cusub yahay.
warkan waxa ay ka qoreen warbaahinta halkan kal soco
http://radiomuqdisho.net/news/wararka/2316-mudanayaasha-barlamanka-oo-codka-kalsoonida-siiyay-rwasaare-farmaajo.html

http://www.shabelle.net/component/content/article/42-new-in-somali-content/3004-barlamanka-kmg-oo-si-gacantaag-ah-u-codeeyay-raiisul-wasare-farmaajo

1 comment:

  1. la arki doonaa waxa aad soo kordhiso
    Dardaaran yeeysan noqon in aad dhibaato kusii huriso umadaada

    ReplyDelete