Banaanbaxaani ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana looga soo horjeeday xarag dhawaan dowlada Maraykanku ay u geysatay haween Soomaali ah oo kunaala Magaalada Minneapolis, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Banaanbaxayaasha oo gaarayay boqolaal ruux kana mid ahaa dadka barakacayaasha ee ku nool deegaanka Siinka Dheer ayaa codsi waxaa ay u jeedinayeen dowladda Maraykanka oo ay ugu baaqeen in si deg deg ah ay u sii deyso haweenka Soomaaliyeed ee looga shakiyay inay xariir la lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Dadkii ka qebqaadanayay dibadbaxaas ayaa inoo sheegtay in qaar ka mid ah Haweenka la xirey ay taakuleyn jireen dadka barakacayaasha ee ku noo deegaanka Siinka dheer, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka heli jireen kaalmooyin isugu jira raashin, lacago iyo waxyaabo kale.
Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadayaan banaanbaxyada ay uga soo horjeedaan xariga ciidamada FBI-da Maraykanka ay u geysteen haweenka Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi ilaa ay dib u heliyaan xoriyadooda haweenkaasi.
Dhawaan ayaa ciidamada FBI-da Maraykanka ee gobolka Minnesota waxaa ay halkaasi ku xireen haween Soomali ah oo lagu eedeeyay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka ay dhaqaale uga aruurin jireen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab
No comments:
Post a Comment